Borame ,(Qaran news)-Magaaladda Borama waxa kulan ku yeeshay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylaci iyo musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani Maxamed Cali.
Ma jiraan wax war ah oo faah faahsan oo kulankaasi ka soo baxay, hase ahaatee Madaxweyne kuxigeen Somaliland Mr Saylici ayaa hore u sheegay in uu dòorashada dhici doonta sanadkani 13ka November uu dhex ka noqon doono oo aanu u ololayn doonin madaxweyne Muuse Biixi iyo xisbiga Kulmiye toona