Warbaahinta dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ayaa gooradhawayd baahisay in kulan maanta magaaladda Jigjiga ku dhex maray wafti ka socday Somaliland iyo dawlad deegaanka Somalida Itoobiya uu si is afgarad ah uu ku soo dhamaaday.
Wafti balaadhan oo uu hogaaminaayay wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka Somaliland ayaa saaka Jigjiga u tagaya sidii loo xalin lahaa colaadaa ka qaraxday deegaanka Dacawalay oo gaysatay khasaare aad u balaadhan