Kuliyad Tababar oo loo Dhagax Dhigay Ciidanka Socdaalka
Hargeysa(Qaran news)-Taliyaha Ciidanka Socdaalka Sarreeya Guuto Maxamed Xuseen Farax Xiirane ayaa Dhagax Dhigay dhismaha Kuliyadda Tababarka ee Ciidanka Socdaalka JSL.
Taliyaha ciidanka laanta socdaalka Somaliland sarreeya guuto Maxamed Xuseen Faarax ayaa sheegay in dhismahan ay dhagax dhigeen wax weyn ka tari doono soo saarista ciidan socdaal oo tayo heer sare ah leh, waxaanu intaas ku daray in lagu dhigan doono manhajka ciidamada socdaalka ee aduunka.
Geesta kale waxa uu xusay in Kuuliyadani ay tahay tii ugu horraysay eel aga hirgeliyo gudaha Somaliland, waxaa uu tilmaamay in ay tahay guul u soo hoyatay ciidanka laanta Somaliland, isla markaana ay qayb weyn ka qaadan doonto tababarada iyo kor u qaadista khibrada ciidamada laanta socdaalka JSL.
Waxaa Dhismahaas Kharashkiisa Ka Caawiyay Ciidanka Socdaalka Wadanka Mareykanka, waxaana fulinaya Hay’adda IOM – UN Migration.