Agaasimaha waaxda kastamada ee wasaarada maaliyada Faysal Dheere ayaa shirkadaha Dubai Clearance Iyo Sea link Clearance ka xayiray inay wax kala soo degaan dekeda Berbera.

Faysal Dheere ayaa warqad aan helay oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay inaanay shirkadaha Dubai Clearance Iyo Sea link Clearance waxba ka cashuuran Karin kastamka Berbera ilaa uu amar danbe ka soo saarayo.

Warqada ayuu Faysal Dheere ku sheegay in labadan shirkadood ay carqaladeeyeen shaqada kastamka balse xaqiiqadu waxay tahay in labadan shirkadood ay diideen lacag sharci daro oo agaasimuhu ku soo rogay ganacsatada taas oo ah cashuur aanay golaha wakiiladu ansixin oo gaadhaysa $50.

Labadan shirkadood oo ay leeyihiin ganacsadeyaal ka soo jeeda beesha Garxajis ayaa ilaa hada ay xayiraadi ka saaran tahay isticmaalka kastamka Berbera.

Abdirizak Goud