Labada qof oo Soomaali ah oo ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa lagu eedeeyay in ay ku kaceen khiyaano maaliyadeed oo gaareysa $21 milyan oo dollar, taas markii hore loogu talo galay in lagu kaabo adeegyada caafimaadka caruurta gaar ahaan adeegyada autism-ka.
Sida ay qortay warbaahinta CBS oo ah warbaahin ay wada-shaq eyn leeyihiin BBC-da, labadan gabdhood ayaa magacyadooda lagu sheegay Shamso Axmed Xasan iyo Xannaan Mursal Yuusuf, waxaana subaxnimadii Talaadada ay iska fogeeyeen eedaymaha loo haysto ee ku saabsan khiyaanada daryeelka caafimaadka iyo lacag dhaqidda.
Sida ku cad warqadda eedaynta, Shamso Axmed Xasan waxay ahayd mid ka mid ah dhowr qof oo iska lahaa xarumaha “Smart Therapy Center” iyo “Star Autism Center”.
Sidoo kale, eedaymuhu waxay sheegayaan in Shamso iyo dadka kale ee ay shuraakada ahaayeen ay qoran jireen caruur ay waalidiintooda ku qancin jireen in ilmahooda ka diwaan-geliyaan barnaamijyadooda autism-ka, iyada oo loo eegin xaaladda caafimaad ee ilmaha uu ku jiro, xita haddii uu caafimaad qabo, waxayna waalidiinta siin jireen laaluush dhan $300 ilaa $1,500 oo dollar bishii.
Shamso ama qareenkeeda kama aysan jawaabin su’aalihii la weydiiyay markii ay ka baxayeen maxkamadda, in kasta oo aysan hadda xabsi ku jiran oo bannaan jog tahay.
Xafiiska “Smart Therapy Center” oo ku yaalla magaalada Minneapolis iyo xafiiska “Star Autism Center” oo ku taalla St. Cloud, waxaa bishii December 2024 baaritaan ku sameeyay ciidanka FBI-da. Baaritaankan ayaa qayb ka ahaa baaritaannadii ka dhashay fadeexaddii weyneyd ee barnaamijka “Feeding Our Future” oo dhan $250 milyan oo dollar. Sannad ka dib, mid ka mid ah dadkii kale ee lahaa xarunta “Smart Therapy Center” ayaa qirtay eedaymo la xiriira khiyaano.





