Madaxweynaha ayaa sheegay in muddada soo socota la filayo in la qodo ceelal kale, iyadoo dowladda Soomaaliya ay rajaynayso in natiijooyinka kasoo baxa sahminta shidaalka ay noqdaan kuwo wax weyn ka beddela dhaqaalaha dalka.
Haddii la xaqiijiyo kayd shidaal oo ganacsi ahaan looga faa’iidaysan karo, Soomaaliya waxay heli kartaa fursad cusub oo lagu kordhin karo dakhliga dowladda, lagu abuuri karo shaqooyin, isla markaana lagu maalgelin karo adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka digay in rajada laga qabo shidaalka aan loo qaadan xaqiiqo la xaqiijiyay, isagoo mar kale carrabka ku adkeeyay in natiijooyinka sahminta iyo qodista ceelasha ay yihiin kuwa go’aamin doona mustaqbalka kheyraadkaas.
Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay filayso natiijooyin rajo leh dhammaadka sanadkan, kadib markii Turkiga uu billaabay qodis badeedkii ugu horreeyay ee shidaal iyo gaas ah oo laga sameeyo xeebaha Soomaaliya.
Markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey ayaa bishii April gaaray xeebaha Muqdisho, si uu u bilaabo qodista ceelka Curad-1, oo loo arko mid ka mid ah tillaabooyinka ugu waaweyn ee Soomaaliya ay u qaaday dhinaca sahminta shidaalka badda.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa sheegay in xogtii laga soo ururiyay sahanka dhul-badeedka la dhammeystiray, lana fasiray, isla markaana hadda si rasmi ah loo bilaabay qodista ceelkii ugu horreeyay.
Ceelka la qodayo ayaa la filayaa inuu gaaro qoto dhan 7,500 mitir, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah howlaha qodista badda ee ugu qotada dheer caalamka.
Wasiirka ayaa markaas sheegay in dowladda Soomaaliya ay rajo wanaagsan ka qabto in natiijooyin muuqda la helo dhammaadka sanadkan, inkastoo uu ka gaabsaday inuu saadaaliyo baaxadda kaydka shidaal ama gaas ee laga yaabo in laga helo.
Mashruucan ayaa Soomaaliya u ah tijaabo weyn oo ku saabsan awooddeeda shidaal iyo gaas, halka Turkigana uu u yahay howl-galkiisii ugu horreeyay ee qodis badeed qoto dheer ah oo uu ka sameeyo meel ka baxsan biyihiisa.
Labada dal ayaa rajeynaya in iskaashigan uu Soomaaliya u furo albaab dhaqaale oo cusub, isla markaana uu Turkiga ka caawiyo ballaarinta doorkiisa tamareed ee Geeska Afrika.





