Lamaane waayeello ah oo carruur u dhalatay iyo welwel laga qabo cidda korintooda ka caawineysa
Haweeney 73 sano jir ah oo ku nool gobolka Koonfurta dalka Hindiya ee Andhra Pradesh ayaa dhashay laba carruur oo mataano ah.
Caruurtan oo gabdha ah ayay dhaqaatiirtu shegeen inay aaminsan yihiin in sababtu ay tahay in la bacrimiyay oo shahwada ninkeeda lagu beeray minka haweeneyda.
“Hooyada iyo carruurtaba aad bay u wanaagsan yihiin”, sidaas waxaa BBC-da u sheegay dhaqaatiirta isbitaalka ay haweenaydaan ku dhashay.
Haweeneyda cartuurta dhashay oo lagu magacaabo Mangayamma Yaramati ayaa sheegtay in iyada iyo seygeyda oo da’diisu ay tahay 82 jir ay marwalba ku han-weynaayeen inay carruur helaan, balse taas aysan horay u dhicin.