Liiska Baasaboorrada ugu awoodda badan Caalamka 2023

Baasboor

Saddex ka mid ah baasaboorada dalalka Eeshiya ayaa dadka sita fursad u siinaya in ay u safraan dalal badan oo caalamka ku yaalla. Sida lagu sheegay warbixin saddexdii biloodba mar ay soo saarto hay’adda la-talinta dhalashada iyo deggenaanshaha ee Henley & Partners ee fadhigeedu yahay London.

Muwaaddiniinta Japan ayaa waxay fursad u haystaan in ​​fiiso la’aan ay ku galaan 193 dal oo ku kala yaalla qaaradaha kala duwan, waxaana wax yar ka horreeya dalalka Singapore iyo Kuuriyada Koonfureed oo muwaaddiniintoodu si xor ah u booqan karaan 192.

Waxaa sanadkan sare u kacday dadka u kala safraya dalalka kala duwan ee caalamka taasi oo gaaratay ilaa 75%, taasi oo ka dhigan in imika laga soo kabsanayo feyriska karoona oo xayiraado badan saaray isu socodka caalamka.

Marka laga reebo saddexda waddan ee ugu sarreeya Aasiya, waddamada Yurub ayaa wali ah kuwa ugu sarreeya marka la eego awoodda baasaborradooda.

Jarmalka iyo Spain ayaa hal kaalin iskula jira oo ah in baasaboorkooda loogu safri karo 190 goobood, waxaana ku xiga Finland, Taliyaaniga iyo Luxembourg oo ay muwaaddiniintooda visa la’aan ugu safri karaan 189 waddan.

Sidoo kale waxaa kaalinta shanaad ku jira Austria, Denmark, Netherlands iyo Sweden, halka France, Ireland, Portugal iyo UK ay ku jiraan kaalinta lixaad.

New Zealand iyo Maraykanku waxay ka soo muuqdeen kaalinta toddobo, waxaana kaalintaasi kula jira Belgium, Norway, Switzerland iyo Jamhuuriyadda Czech .

Dadka u dhashay dalka Afgaanistaan ​​ayaa mar kale kaalinta ugu dambeysa soo galay waxa ayna u safri karaan 27 waddan oo kaliya iyaga oo aan u qaadan wax fiiso ah

Qiimeyntan ayaa machadka citizenship and residency consultancy Henley & Partners waxa ay ka sameeyeen 199 baasaboor iyadoo loo eegayo tirada meelaha ay dadka haystaa ku geli karaan fiisaha la’aan.

Waddamada uu baasaboorkoodu ugu awoodda badan yahay iyo tirada dalalka ay muwaaddiniintooda visa la’aan ku gali karaan. 1. Japan (193 dal)

2. Singapore, Kuuriyada Koonfureed (192 dal) 3. Germany, Spain (190 meel) 4. Finland, Italy, Luxembourg (189 meel) 5. Austria, Denmark, Netherlands, Sweden (188 dal) 6. France, Ireland, Portugal, United Kingdom (187 dal) 7. Belgium, New Zealand, Norway, Switzerland, USA, Czech Republic (186 dal) 8. Australia, Canada, Greece, Malta (185 dal) 9. Hungary, Poland (184 dal) 10. Lithuania, Slovakia (183 dal)

Madaxda Kuuriyada Waqooyi

Dalalka uu baasaboorkooda ugu liito iyo inta dal oo ay visa la’aan ku gali karaan sida warbixinta machadka citizenship and residency consultancy Henley & Partners: 102. Kuuriyada Waqooyi (40 dal) 103. Nepal, Falastiin (38 dal) 104. Soomaaliya (35 dal) 105. Yemen (34 dal) 106. Pakistan (32 dal) 107. Syria (30 Dal) 108. Iraq (29 Dal) 109. Afghanistan (27 Dal)