M/weynaha Taiwan oo iska casishay xilkii Guddoomiyenimada xisbiga talada Jasiiradaa haya

Madaxweynaha Jasiiradda Taiwan Tsai Ing-wen ayaa ku dhawaaqday inay iska casishay xilkii Guddoomiyenimada ee ay ka haysay xisbiga talada haya, kadib markii guul-darro ka soo gaadhay doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacay dalkaas, iyadoo uu xisbiga mucaaridka ah ee u janjeedha dhinaca Shiinuhu uu ku guulaystay inta badan magaalooyinkii lagu tartamay oo ay ku jirto caasimadda Taipei.
Haweenaydan Madaxweynaha ka ah Taiwan ayaa sheegtay inay sii hayn doonto xilka Madaxweynaha, balse waxay qiratay masuuliyadda xisbigeeda ka soo gaadhay doorashooyinka, iyadoo xustay in guul-daradaasi ku noqotay mid lama-filaan ah, sidaasna ay madaxtinimadii xisbiga iskaga casishay.