Ku-simaha Madaxweynaha dowladda Puntland oo magacaabay Agaasimayaal guud.
Garoowe: 26 March 2023: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo saaray, Xeer Ku-sime Madaxweyne Lr006 iyo Lr007, March 26, 2023, kuna saabsan Magacaabid Agaasimeyaal guud.
Ku-simaha Madaxweynaha dowladda Puntland.
Markuu arkay:- Dastuurka dowladda Puntland.
Markuu arkay:- Baahida loo qabo dar-dargelinta Shaqada ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Wasaarada Beeraha iyo Waraabka.
Markuu arkay:- Aqoonta, kartida iyo waayo-aragnimadooda Shaqo.
Wuxuu xeeriyey.
1. Waxaa Cawil Maxamuud Cali (Kabaweyne) loo magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland.
2. Waxaa C/xakiin Axmed Jaamac loo magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaarada Beeraha iyo waraabka dowladda Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND.
No photo description available.