Waxay ahayd 48 saacadood oo xamaasad leh wareeg cusub oo wadahadal ah oo ay martigelisay Doxa si heshiis xabad joojin ah ay u gaaraan Israel iyo Xamas.

War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen dalalka Qatar, Masar iyo Maraykanka, ayay ku sheegeen in labadii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Doxa ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin sarsare oo ka kala socday dowladaha dhinacyadaasi oo ay dhexdhexaadin ahaan u socdeen wada-hadallo xooggan oo looga gol leeyahay in lagu gaaro heshiis xabbad-joojin ah.

Waxaa sidoo kale dadaaladan la doonayaa in lagu xaqiijiyo sii daynta la haystayaasha iyo maxaabiista Falastiiniyiinta. Wadahadalladan ayaa ahaa “kuwa halis ah, wax dhisaya kuna dhacay jawi wanaagsan,” sida lagu sheegay war-murtiyeedka wadajirka ah.

Warku waxa uu intaa ku daray in goor hore oo maanta ah magaalada Doxa, dalka Maraykanka oo taageero ka helaya dawladaha Qatar iyo Masar ay labada dhinac u bandhigeen hindise lagu soo koobayo farqiga u dhexeeya labada dhinac isla markaana waafaqsan mabaadii’da heshiisyadii hore.

“Soojeedintani waxay ku dhisan tahay qodobbadii lagu heshiiyey ee la gaaray usbuucii la soo dhaafay, waxayna soo afjaraysaa dulduleelada harsan si ay u suurtogeliso in si degdeg ah loo dhaqangeliyo heshiiska.”

Wadahadaladan ayaa ah kuwa leh muhiimad gaar ah xilli ay sii kordheyso xiisadda gobolka gaar ahaan Xisbulahi iyo Iran oo iyagu ku hanjabay in ay israa’iil ku qaadi doonaan weeraro ay kaga jawabayan dilalkii taliyihii ciidamada xisbiga Fowad Shukr iyo dilkii Haniyeh.

Wafdiga Israa’iil ayaa go’aansaday, cadaadis uga yimid dhexdhexaadiyeyaasha, inay sii joogaan Doxa habeen kale, iyada oo wax lagu sheegay “horumar la taaban karo oo laga gaaray khilaafyadii hore” taasi oo looga gol leeyahay heshiis kama dambeys ah oo dhexmara Israel iyo Xamaas.

Wafdiga Israel ayaa waxaa ka mid ahaa hogaamiyayaasha heerka koowaad ee sirdoonka Israel, kuwaas oo kala ah madaxa Mossad David Barnea iyo taliyaha guud ee amniga guud Ronen Bar.

Telefoonka ay Qatar u dirtay Iran

Baroordiiq loo sameeyay madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyeh iyo saaxiibkii oo ka dhacay caasimadda Iran ee Tehran

Xigashada Sawirka,Getty Images

Sida laga soo xigtay warbaahinta Israel iyo reer galbeedka, Ra’iisul wasaaraha Qatar Maxamed bin Cabbdulrahman Al Thani ayaa khadka taleefanka kula hadlay madaxda Iran, wuxuuna ugu baaqay inay u dulqaataan oo aysan wax weerar ah ku qaadin Israa’iil, sababtoo ah “horumarada laga sameynayo wadaxaajoodyada .

Yedioth Ahronoth ayaa aaminsan in baaqan uu saameyn ku yeeshay dib u dhigista go’aan kasta oo Xisbullah ama Iran ay ku beegsanayaan Israa’iil ilaa ay ka soo baxayaan natiijada wareega gorgortanka iyo wadaxaajoodyada xabad joojinta.

Israa’iil ayaa horey isugu diyaarisay weeraro uga yimaadda xisbulah iyo Iran.

Sawirka madaxa Mossad David Barnea, taliyaha Mossad Ronen Bar iyo madaxa ciidamada IDF Herzi Halevi

Xigashada Sawirka,Getty Images

“Horumar cajiib ah”

“Horumar la taaban karo” waa orhaah si joogto ah u soo noqnoqonaysay intii ay socdeen wada xaajoodyadii dadbanaa ee ay garwadeenka ka ahaayeen Qatar iyo Masar oo socday bilo badan, waxaana ku dhawaad ​​wareeg kasta oo gorgortan ah la sheegayay in horumar laga sameeyay, balse markii dambe ku dhamaaday fashil.

Dad badan oo Israa’iiliyiin ah ayaa aaminsan in qaar badan aysan ku rejo waynayn warkan sababtoo ah farqiga weyn ee u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil.

Ciidamada Israa’iil ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay cirib tireen boqolkiiba 75 awoodooda ciidan ee Xamaas, sida ay sheegeen ilo-wareedyo la hadlay BBC-da, waxa laga yaabaa in ay dhawaan ku dhawaaqaan in la soo afjaray hawlgalladii milatari ee xoogganaa ee ay ka wadeen Marinka.

Bbcsomali