Maaddo ku jirta cabitaan Soomaalidu isticmaasho oo la sheegay inay kansar sababto

Cabitaannada caanka ah ee ay ku jirto aspartame waxaa ka mid ah cabitaanka shirkadda kooka koolla ee loo yaqaan Diet Coke, Coke Zero, Pepsi Max, iyo 7 Up Free, laakiin macaaneeyahan ayaa ku jira ilaa 6,000 oo cuntooyin kala duwan ah.

Maaddadan waxaa la isticmaalayey tobannaan sano waxaana ansixiyay hay’adaha badbaadada cunnada, laakiin waxaa jiray muran badan oo ku xeernaa.

IARC, oo ah garabka cilmi-baarista kansarka ee Ururka Caafimaadka Adduunka, ayaa dib u eegis ku sameyneysay ilaa 1,300 oo daraasadood, kuwaas oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya aspartame iyo kansarka.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in ay la hadashay ilo ku dhow hawlahan ay ururku wadaan, aspartame-na waxaa lagu suntay “Walxaha kansarka sababa” – laakiin waa maxay sumadani dhab ahaantii?

BBC-du waxay fahamsan tahay in ogeysiisyada rasmiga ah ay samayn doonaan IARC iyo guddi khubaro gaar ah oo u xilsaaran maadooyinka cuntada – oo ay weheliso daabacaadda joornaalka caafimaadka ee Lancet Oncology 14ka bishan Luulyo 2023.

Bbcsomsli