Maamulka Xamar waxa uu doonayaa inuu Somaliland gadoomiyo. E-Visa waa bilaw iyo ku day. Sida aynu uga falcelinno ayay wax badani ku xidhan yihiin. Dadka qaar baa moodaya inay lacagta keliya ujeedaan, balse maaha ee awood dawladeed, siyaada, (sovereignty, السيادة) ayay doonayaa inay Somaliland ku soo rogaan. Ujeedadu waa inay aakhirka Somaliland si buuxda isku hoos keenaan.

Xukuumaddu ilaa hada si miyir qabta ayay u wajahday (way ku saxan tahay). Hada wixii ka danbeeya looma baahna miyir qab. Mar haddii ay maryaha tuureen, inana waa inaynu la qasanno. Markaas uun baa adduunku inasoo kala gaadhi karaa. Waa inaynu dano kale taabanno.

Dadka reer Somaliland diyaar ha u noqdaan inay Jigjiga ka soo degaan. Mar haddii aynu hawlo badan u soo marnay dawladnimada, si yar oo aayar aayar ah waa inaan la inooga qaadin. Geesinimadu waa inyar oo aad cagaha dhulka ku adkayso.

Mar haddii Xamar dal ku galka laga soo qaato, waxa ay noqonaysaa Hargeysa waxa laga maamulaa Xamar. Qadiyada Somaliland waxa ay gelaysaa dhulka. Waa inaynu qaadana: cadyahow ku cunay ama ku ciideeyey.

Guleed Dafac