Maanta Taani baa la hadlay Dhulbahante

1. Waxan idin ka tacsiyaynayaa waxoogaygii yaryaraa ee dhawaan dhacay. Eeg waxaasi wuxuunbay ahaayeen wax amnigiina la gu sugaayo ee wax kale ma ahayn! (Luqadda noocaas ah is carrab-tir baa la gu yidhaahdaa aff-Soomaaliga casriga ah.).
2. Magaalada khamrigii baa ku soo battay, waxaasi na amniga ma u fiicna! (Isaga waxaasi in aanay shaqadiisa ahayn wuu ogyahay, wax kale oo uu se ku hadlo amma ka hadlo ayuu heli waayay.)
Iidoorka intii bilaa micnaha ahayd baa talada u haysa waa tii aan shalay idin lahaa. Caruur iyo maatti xabadaha ka sii yaacaaya, oo dhabarka dhashiike lagaga furay, oo tarab tarab loo laayay ayuu ku sheegayaa hawl amniga la gu sugaayay. Taloow yuu filayaa in ay waxaas ka dhegaysato? Muuse ayaaba dhaamay oo toban maalmood ka dib tacsi diray – kani bil ka dib buu tacsida xasuustay, taasi na waxa ay muujinaysaa, hadiiba wax uun ay muujinayso, in aanay tacsidaasi daacad ahayn. Wuu se fiicnaa hadii aanu sidii Warsangeliga ku odhan iskaba taga waxayaga uun baad cuni jirteen.
Waxa Qoray:-