
Moyar Cabdikariin Axmed Mooge in uu xilka baneeyo marka uu mudo xileedkiisu uu dhamaado waa guul siyaasadeed oo u fiican mustaqabalkiisa siyaasadeed,sababta oo ah golaha uu xilka ku wareejin doono oo u muuqda kuwo aan gaadhsiin karin halkii uu gaadhsiiyay.
Maayar Mooge waxa uu ahaa shaqsigii ugu wax qabadka badnaa ee soo maray caadimadda Somaliland ee Hargeysa marka aad ka eegto dhan walba in kasta oo ay jiraan xaafado magaalada ka mid ah oo aanu wax buuran kanqaban hadana waxa uu yahay shaqsi ku amaanan amaanadii loobdhiibtay dadkii doortayna ayna ku khasaarin badankoodu.
Dhanka kale Cabdikariin Axmed Mooge waxa uu la kowsaday buuq iyo mudaharaado mararka qaarkood isu rogay shaqsi weerar iyo aflagaado aan meesha qaban.
Hadaba Maayarku waxa uu xilka kaga tagayaa rag uu yaqaano oo laga qaylin doono, waxana soo bixi doonta in intii Maayar Mooge la maagi jiray in ka badan la amaani doono.
Ma odhan karno ma jiro qof ka wanaagsan Cabdikariin Axmed Mooge oo buixin doona jagadiisa hase ahaatee xubnaha golaha deegaanka inoogama muuqdo.
Hadal iyo gabo gabadii waxa haboonayd in uu Maayarku xilkii lagu aaminay uu kaga tago oo xilka ku wareejiyo shaqsigii isaga bedeli lahaa ee ku haboonaa si loo qiimeeyo wax qabadka Maayarka tagay iyo ka cusub.
Tagistani Cabdikariim Axmed Mooge waa mid isaga hada guuli ugu jirto si uu u karbaasho dadkii isaga ka caban jiray isaga oo tusaaya in uu si xarago leh u dhamaystay mudo xileedkiisii sidoo kalana ay adagtahay in xilkii uu baneeyay la helo qof buuxiya tan iyo inta laga gaadhaayo doorashada danbe taasi oo lafteeda ay saarantahay?
La so qaybaha kale





