Dawladda Hoose ee uu hoggaaminaayo Mayor Mooge wax badan oo horumar lagu faano oo la mahadiyey ayey ku qabatay muddo yar. Waana abaal reer Hargeysa ay laabta ku hayaan. Waxa iyana muhiim ah in kol walba mudnaata kowaad la siiyo dadka degan iyo kuwa ka ganacsda goobta wax laga fulinaayo waliba si gaar ah loo eego danyarta oo loo helo meel u dhaanta iyo nolol uga roon halka laga raraayo. Waxaan se maanta is weydiin ah Horta dhismayaasha Dawlada Hoose miyaan la marin Ha’yadda Qandaraasyada oon la gelin tartan furan. Hadday taasi jirto waa qalad in shirkad laga hadlaa haddayna se jirin waa nidaamo xumo iyo sharci darro ee nidaamka tartanka furan ee sharcigu jideeyey ha la maro. Shirkaduhuna wey u siman yihiin, haddii dariiqaas la maro tartanka furan. Tartanka furan waxa kow u ah baahinta qandaraaska oo lagu baahiyo dhammaan ilaha warbaahinta kale duwan sidoo kale ku dhawaaqidda cidda ku guulaysta. #Somaliland #somalilanders #Hargeisa
@samotalis

Ahmed Hassan Arwo
@samotalis