Maayarka Hargeysa oo ka Hadlay Warar Sheegayey in Mooshin laga keenayo
Hargeysa(Qaran news)- Maayarka caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa ka hadlay warar sheegayey in golaha deegaanku xilka ka qaadayaan.
Maayarka Hargeysa ayaa sheegay in isaga ay ku weyn tahay masuuliyada iyo u adeegista shicibka. Waxaanu tilmaamay in aanay jirin gole deegaan oo kala qaybsan.
Wuxuu intaas ku daray in aanay dhibayn wararka la sheegayo in mooshin laga keenayo oo uu isagu aaminsan yahay inuu ummadiisa u shaqeeyo ilaa uu ka dhimanayo.
Sidoo kale wuxuu xusay in midnimo ay golaha deegaanka caasimaddu ku soo maamuleen magaalada isla markaana uu ilaahay ka rajaynayo in iyagoo midaysan ay ka tagaan caasimada Hargeysa oo horumar weyn gaadhay.