๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
Hargeysa, 03.03.2025
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay madax sare oo ka socotay Hayโadda IOM Mr. Manuel Marques Pereira iyo wefti uu hoggaaminayey oo ay ka mid ahaayeen Ms Murima (ku xigeenka), Ayan Xasan Rabi (Madaxa Hayโadda IOM Somaliland) iyo Maxammed Cumar Iidaan (Sarkaal xagga Amniga).
Ugu horrayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu soo dhaweeyey weftiga isla markaana uu uga mahad naqay muddada dheer ee ay ka shaqaynayeen Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay in ay si dhaw oo wax-tar iyo iskaashi leh ula shaqayso dhammaan Hayโadaha Caalamiga ah, iyaga oo kala shaqayn doona arrimaha mudnaanta u leh Qaranka Somaliland.
Madaxa Hayโadda IOM Mr. Marques Pereira, waxa uu Madaxweynaha ku bogaadiyey guushii uu ka gaadhay Tartankii Doorashashoyinkii Madaxtooyada ee ka dhacay dalka iyo hannaanka dimuqraadiyadda ee ka hirgalay Somaliland.
Madaxa Hayโadda IOM waxa uu sheegay in ay dhinacooda diyaar u yihiin la shaqaynta Xukuumadda cusub, gaar ahaan Wasaaradaha ay la leeyihiin wada shaqaynta tooska ah, sida: Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Dib-u-dejinta, Caddaalada iyo Caafimaadka, Taliska Laanta Socdaalka, iwm.
Kulanka ayaa waxa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta si wax looga qabto caqabadaha xagga socdaalka iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha Biniโaadannimada ee u baahan in wax laga qabto.
๐๐จ๐๐จ๐๐๐๐๐ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ค๐ ๐๐ก ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ ๐ค๐ ๐ฆ๐ข๐ ๐๐ก๐๐:
* Maaraynta qulqulka socdaalka iyo ilaalinta dadka nugul.
* Isku-dubbaridka taageerada barakacayaasha iyo bulshooyinka ay saameeyeen masiibooyinka dabiiciga ah iyo colaadaha.
* La dagaalanka ka ganacsiga dadka iyo hubinta ilaalinta shakhsiyaadka khatarta ku jira.
* Ka faa’iidaysiga iyo kobcinta aqoonta iyo waayo-aragnimada bulshada Qurba-Jooga ah
Labada dhinac waxa ay xaqiijiyeen in ay ka go’an tahay iskaashi muddo dheer ah oo looga gol leeyahay in lagu horumariyo xasilloonida, daryeelka bini’aadantinimo, iyo horumar waara ee Somaliland.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐,
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐