
Xoghayaha guud ee gaashaan-buurta NATO, Mark Rutte, ayaa soo bandhigay warbixintiisa sanadlaha ah ee 2025 shir jaraa’id oo uu ku qabtay Brussels.
Mar wax laga waydiiyay haddii dagaalka Iran uu hadda yahay arrin NATO u taalla, Rutte wuxuu yiri in isbahaysiga NATO uu “mudo dheer aqoonsaday khatarta barnaamijka gantaallada Iran uu ku leeyahay xulafadiisa iyo danahooda”.
Wuxuu sheegay in waxa Maraykanku samaynayo ay tahay “yareynta awoodahaas, labadaba kuwa nukliyeerka iyo gantaallada”.
Iran hadda waxay leedahay “awood si isa soo taraysa u khatar u ah xulafada”, ayuu Rutte yiri, isagoo intaa ku daray in nidaamyada difaaca NATO ay si guul leh u joojiyeen gantaallo balistik ah oo ku sii jeeday Turkey seddex jeer oo kala gooni-gooni ah.
Hadalladiisu waxay yimaadeen kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sii waday dhaleeceynta dalalka NATO iyo jawaabtooda ku aaddan dagaalka Iran.
Bbcsomali





