๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฅ๐ ๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐๐๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐๐๐ ๐๐ง๐ ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ญ๐ข ๐ฎ๐ฎ ๐ก๐จ๐ ๐ ๐๐๐ฆ๐ข๐ง๐๐ฒ๐๐ฒ







Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada JSL ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska (UK), Mudane Charles King iyo Wefti uu hoggaaminayey oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka si kor loogu qaado iskaashiga labada dhinac. Safiirka waxa kulanka ku wehelinayey Masuuliyiinta ugu sarraysa Xafiiska uu Ingiriisku ku leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan oo ahaa mid muhimmad weyn u lahaa Qaranka JSL, waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirro iyo Masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si laab-furan u soo dhaweeyey Safiirka Boqortooyada Ingiriiska, isaga oo uga mahad naqay xidhiidhka taariikhiga ah, isfahamka soo jireenka ah iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Somaliland iyo Dawladda UK.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay taageerada xagga amniga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee ay Boqortooyada Ingiriisku siiso Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo xusay in xidhiidhka Istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada Dal uu yahay mid ku dhisan kalsooni taariikhi ah, is-qaddarin, wada shaqayn, iyo dano-wadaag midho-dhal ah.ย Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in Xukuumadda Somaliland ay ka goโan tahay sii xoojinta wada shaqaynta iyo iskaashiga labada dal, isaga oo xusay in UK ay tahay saaxiib dhow oo Jamhuuriyadda Somaliland la garab taagan horumar, amni iyo horumarka bulshada.Isaguna dhankiisa, Safiirka Boqortoyada Ingiriiska Charles King waxa uu Madaxweynaha Somaliland u xaqiijiyey in Dawladdiisu ay si weyn u qiimaynayso xidhiidhka adag ee taariikhiga ah ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland.Safiirka Boqortooyada Ingiriiska waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland ku bogaadiyey, amniga iyo xasiloonida ka jira, hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah, dedaallada nabadeed ee ay waddo Dawladda JSL, gaar ahaan xasilinta Gobollada Bariga, isaga oo Madaxweynaha ku bogaadiyey gogoshii nabadda ee Ceerigaabo. Sidoo kale, Safiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in la dhiirri-geliyo Maalgashiga gaarka loo leeyahay, maadaama uu yahay furaha koboca dhaqaalaha.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo in labada dhinac ay sii xoojiyaan wada-shaqaynta joogtada ah ee u dhaxaysa Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐






