Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay, ka dib safar uu ugu maqnaa dalka dibadiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta oo Axad ah dalka dib ugu soo laabtay, xilli fiidnimadii hore, ka dib safar gaar ah oo uu maalmo qaatay ugu maqnaa dalka Faransiiska. Madaxweyne Geelle ayaa marka uu sidaas ku soo xidho ajandihiisa gaarka ah waxa uu fariin adag u diraya rabitaankiisa ah in uu si buuxda ugu huray hawlaha qaranka iyo in uu awoodiisa isugu geeyo sidii uu uga hortagi lahaa caqabadaha dalkeena iyo dadkeena haysta.