Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qasriga Madaxtooyada ee dalkaasi ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo waftigii uu hogaaminaayay ee maanta gaadhay dalkaasi.


Qoraal uu baahiyay raysal wasaaraha Djibouti ayuu ku sheegay in isaga oo ka wakiil ah madaxweynaha Djibouti uu madaarka dalkiisa ku qaabilay oo soo dhaweeyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo uu madaxweynaha Somaliland uu martiqaad rasmi ah ka helay dawladda Jabuuti








