









๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ช๐๐ฒ๐-๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐๐๐ก๐๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฌ๐ซ๐๐โ๐ข๐ข๐ฅ
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa si rasmi ah uga qayb galay Daah-furka Madashii ugu horraysay ee Ganacsiga Somaliland iyo Israaโiil, taasi oo lagu qabtay magaalada Tel Aviv ee dalka Israel. Madashan oo ay wadajir u soo qaban-qaabiyeen Machadka wax Dhoofinta (Institute of Export) iyo Waaxda Dhaqaalaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayaa waxa ay kulmisay oo isugu yimid in ka badan laba boqol oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha ganacsiga, maalgashadayaasha iyo wakiillada shirkadaha waaweyn ee dalka Israaโiil.
Ujeeddada loo agaasimay Madasha Ganacsiga Somaliland iyo Israaโiil (Somaliland-Israel Business Forum) ayaa ah xoojinta iskaashiga dhaqaale ee labada dhinac, iyada oo diiradda la saarayo ballaadhinta fursadaha ganacsi, maalgashiga tooska ah, iyo iskaashi dhab ah dhinacyo badan leh oo dhex mara labada dal iyo shacab.
Intii uu kulanka Madashu socday, waxaa la isku waydaarsaday fikrado la xidhiidha horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, tamarta, biyaha, beeraha, caafimaadka, isgaadhsiinta iyo adeegyada casriga ah, kuwaas oo dhammaantood loo arko tiirarka ugu muhiimsan ee kobaca dhaqaalaha.
Sidoo kale, waxaa si gaar ah loo xoojiyey muhiimadda ay leedahay gudbinta aqoonta iyo tiknoolajiyadda casriga ah (technology transfer), taas oo la filayo in ay door weyn ka qaadato tayeynta adeegyada iyo kobcinta xirfadaha shaqo ee dalka.





