Madaxweynaha Maraykanka oo cadaadis xoogan kala kulmay Arrin Xasaasiya oo ku saabsan Soomaaliya

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa cadaadis xoogan oo ku aadan Soomaaliya kala kulmaya xisbiga Jamhuuriga ee dalkaasi.

Matt Gaetz oo ah xildhibaan ka tirsan xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa shaaca ka qaaday inay doonayaan in ciidamada Mareykanka dib looga soo saaro gudaha Soomaaliya.Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay qaadayaan tallaabooyin dheeraad ah oo lagu qasbayo madaxweynaha in uu ciidamada kasoo saaro Soomaaliya, si loogu celiyo dalkooda.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay inay diyaariyeen qaraar ku aadan arrintaas, ayna u gudbinayaan Golaha Wakiilada, si loogu codeeyo, kadibna go’aan looga gaaro.Waxa kale oo uu dalbaday in dowladda ay sharraxaad ka bixiso sababaha loo doortay in ciidamadooda uga howlgalaan Soomaaliya iyo danaha ugu jiro Mareykanka.

“Waa inay sharxaan sababta Soomaaliya ay ugu wanaagsan tahay danaha dadka Mareykanka ee gudaha”  doodii Matt Gaetz

Hadalkan kasoo baxay xildhibaankan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa kusoo aadayo, xilli uu horay ugu guul-darraystay, in ciidanka Mareykanka laga soo saaro gudaha dalka Syria.

Joe Biden ayaa bishii May ee sanadkan 2023-ka 500 oo askari usoo diray Soomaaliya, kuwaas oo dib u bilaabay dhaq-dhaqaaqa Mareykanka ee ka dhanka ah Shabaab, waxaana ciidankaas oo horay Soomaaliya uga saaray madaxweynihii hore ee dalkaasi Donald Trump.Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waaweyn ee Soomaaliya ka taageera dhanka milatariga, wuxuuna qayb ka yahay dagaalka haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, warkan ayaa kusoo beegmaya, ayada oo haatan dowladda federaalka ay ku jiro marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo xoogiisa uu ka socdo gobollada dalka.