Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka ay la shaqeyn doonto Iran si dib loogu soo saaro kaydka uranium-ka la hodmiyey ee Iran loona geeyo Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa u sheegay Reuters wareysi taleefoon ah: “Waxaan heli doonaa kaydadka uranium-ka annagoo caawimaad ka helayna. Waxaan aadi doonaa Iran, marka fursad la helo, waan qodi doonaa annagoo adeegsanayna mashiinno waaweyn… Waxaan u rari oonaa Maraykanka.”

Trump ayaa mar kale isticmaalay erayga “Haraadiga nukliyeer ” si uu u tilmaamo kaydka uranium-ka la hodmiyey ee Iran, isagoo sheegay in “si dhow” loo soo saari doono.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Maraykanku sii wadi doono go’doominta badda ee Iran ilaa laga gaaro heshiis.

Mr. Trump ayaa intaas ku daray in Iran iyo Maraykanku hadda “si fiican isula shaqeynayaan,”M isagoo xusay inuu filayo in heshiis “si dhakhso ah” loo gaaro.