๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐‚๐š๐ซ๐ฐ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐œ๐๐š๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ (๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐Œ๐ข๐ง๐ž๐ซ๐š๐ฅ๐ฌ ๐„๐ฑ๐ฉ๐จ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“):

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta si rasmi ah u Daah-furay Bandhigga Carwada Macdanaha Somaliland (SOMALILAND MINERALS EXPO 2025) oo lagu qabtay Hoteel Maansoor.

Carwada Bandhigga Macdanaha Somaliland oo ah tii ugu horraysay ee nooceeda ah ee lagu qabto Somaliland, waxa si heer Caalami ah u soo diyaariyay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL oo kaashanaysa Shirkadaha iyo Daneeyeyaasha Khayraadka Macdanaha, waxana ay socon doontaa muddo laba cisho ah.

Ujeeddada guud ee Carwada Macdanaha Dalka waxa ay ahayd in Maalgashatada Caalamka iyo Muwaadiniinta si aqoon iyo xirfad leh loogu soo bandhigo Macdanaha iyo Khayraadka kala duwan ee ay Jamhuuriyadda Somaliland hodanka ku tahay.

Madaxweynaha oo hadal qiimo leh ka jeediyey Munaasibadda ayaa waxa uu mahad-naq iyo bogaadinba u jeediyey hawl-wadeennada sare iyo shaqaalaha Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta iyo Dalalka, Shirkadaha iyo Shaqsiyaadka suurto geliyay qabsoomidda Carwada Bandhigga khayraadka Macdanta.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal lagu aamini karo heer kasta oo ah maalgashi, iskaashi, shuraako, deyn iyo macaamil kasta oo Caalami ah. Madaxweynuhu waxa uu si cad u iftiimiyey in Somaliland ay u dhammaystiran yihiin dhammaan Xeerarka, Siyaasadaha, Hab-raacyada iyo nidaamka maamul ee malgashadaha u fududayn lahaa in uu si fudud u bilaabo shaqadiisa.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Ajandaha Dhaqaale ee Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay xoogga saarayso in si xil-kasnimo ah oo daah-furan loo horumariyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka, iyada oo ujeeddadu tahay in ka faaโ€™iidaysiga khayraadka dalku uu noqdo mid horseeda xasillooni, horumar iyo dheef-wadaag; iyada oo mar walba maanka lagu hayo ilaalinta deegaanka, hubinta xasilloonida bulsho iyo ta dhaqaale ee waqtiga fog.

Carwada Bandhigga Macdanaha Somaliland waxa iyaguna hadallo qiimo leh ka jeediyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, Mudane Dr. Shucayb Boqor Cismaan-Buurmadow, Wasiirka Maalgashiga Siciid Maxamed Buraale, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Mudane Xirsi Cali X. Xasan, Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, Axmed Jaamac Barre.

Sida oo kale, waxa iyaguna munaasibadda ka hadlay khubaro Caalami ah oo goob-joog ahaa iyo kuwa kaga qayb galay Khadka Fogaal-aragga la iska arko (Virtual Video Link).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay in Xasiloonida ka jirta Somaliland, nidaamkeeda maamul ee dimuqraadiga ah, sugnaanshaha amniga gudaha iyo xuduudaha, nidaamka garsoor ay dhammaanba waafaqsan yihiin halbeegyada caalamiga ah, kuwaasi oo maalgashatada caalamiga ah siinaya kalsooni buuxda.

Madaxweynuhu waxa uu mar kale maalgashatada caalamka u caddeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal la isku hallayn karo oo diyaar u ah in si caddaalad iyo dano-wadaag ah looga wada faa’idaysto Khayraadka Dabiiciga ah ee ay Somaliland hodanka ku tahay.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐