






๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก ๐ฅ๐ ๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐๐๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐ญ๐๐ซ, ๐ค๐๐ง๐ ๐ฐ๐๐๐ ๐ก๐๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐จ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐ฎ ๐๐ก ๐ฅ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ฅ
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Dawladda Qatar, Mudane Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka u dhexeeya labada dal, gaar ahaan xagga iskaashiga horumarka bulshada, dhaqaalaha, maalgashiga, iyo arrimaha gargaarka bini’aadannimada.
Madaxweynuhu waxa uu Safiirka Dawladda Qatar si mug leh uga mahad naqay soona dhaweeyey booqashada rasmiga ah ee uu ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu si laab-furan Dawladda Qatar uga mahad naqay gargaarka iyo deeqaha ay u fidiso bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan xilliyada adag, sida gurmadka abaaraha oo kale.
Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu ka mahad naqay mashaariicda waxtarka u leh nolosha bulshada JSL ee ay Dawladda Qatar ka fuliso Somaliland, isaga oo Dawladda Qatar ka codsaday in ay sii kordhiso mashaariic horumarineed oo u gaar ah Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Safiirka Dawladda Qatar u caddeeyay in Somaliland ay diyaar u tahay xaqiijinta iyo xoojinta iskaashi buuxa oo dhinacyo badan leh oo dhex mara labada dal, gaar ahaan ka wada shaqaynta arrimaha amniga gobolka, kaabeyaasha dhaqaalaha, maalgashiga, Biyaha, Caafimaadka iyo Waxbarashada.
Madaxweynuhu waxa uu Safiirka u sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay soo dhawaynayso haddii ay Dawladda Qatar Somaliland ka furanayso Xafiisyo Horumarineed, kuwo Khayri ah iyo kuwo Diblomasiyadeedba.
Isaguna dhankiisa, Safiirka Dowladda Qatar, Mudane Abdullah Bin Salem Al Nuaimi ayaa uga mahadnaqay Madaxweynaha qaabilaada, isaga oo xaqiijiyey in Dawladda Qatar ay sii wadi doonto mashaariicda ay ka fuliso Somaliland, gaar ahaan kuwa biniโaadannimada iyo horumarinta adeegyada muhiimka u ah nolosha bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-fahan iyo ballan-qaad ku saabsan in labada dhinac ay sii wadaan wada-shaqaynta iyo iskaashi ku dhisan dano-wadaag iyo is-tixgelin buuxda.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐






