𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐢𝐬𝐭𝐢𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐫𝐚𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐭𝐢𝐫𝐬𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta kulan muhiim ah oo istiraatiiji ah la yeeshay Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee arrimaha amniga Bariga Afrika.

Madaxweynuhu waxa uu Saraakiisha uga mahad naqay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxana uu kala hadlay arrimo muhiim ah oo la xidhiidha xoojinta nabadgelyada Gobolka Geeska Afrika, iskaashiga iyo adkaynta wada shaqaynta u dhaxaysa Somaliland iyo Mareykanka.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee ay Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay mandaqadda iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Somaliland tahay saaxiib la isku hallayn karo iyo Dawlad mas’uul ah oo muddo ka badan 30 sano si joogto ah ugu shaqaynaysay arrimaha amniga, dimuqraadiyadda, horumarka bulshada iyo nabad ku wada noolaanshaha shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Goleyaasha Sharci Dejinta ee Mareykanka uga mahad naqay taageerada qadiyadda Somaliland iyo isbeddelka yididiilada leh ee ku yimid siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, gaar ahaan arrimaha khuseeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Iyaguna dhankooda, Saraakiisha Sare ee Ciidamada Mareykanka ee Bariga Afrika waxa ay Somaliland ku bogaadiyeen amniga, xasiloonida iyo kaalinta ay Somaliland ka qaadato sugidda amniga iyo nabadgelyada xag dhulka iyo xag badeedba, iyaga oo ballan qaaday in ay sii dardar gelin doonaan wada shaqaynta labada dhinac ee xagga amniga, tababarrada iyo taageerada farsamo.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝