
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa dhammaan Shacabka qiimaha leh ee Jamhuuriyadda Somaliland, gudaha iyo dibaddaba Munaasibadda Barakaysan ee Ciid Al-Fitriga awgeed.
Madaxweynuhu waxa uu Shacabka ku hambalyeynayaa farxadda Ciidal-Fitriga, isaga oo ummadda Somaliland u rajeeyay in ay Ciiddan Ciideeda kale ku gaadhaan bashbash, barwaaqo, caafimaad iyo caqiido taam ah.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in Munaasibadda Ciidal Fidrigu ay tahay maalin muhiimmad weyn u leh Ummadda Muslimiinta ah, waxaana ay ku suntan tahay farxad, isu naxariisasho, is-cafin iyo xoojinta xidhiidhka walaalnimo ee bulshada Muslimiinta ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si qoto dheer u xusay Fadliga iyo Kheyrka ay xambaarsan tahay Munaasibaddan Barakaysan, isaga oo Shacabka JSL ku boorriyey in ay sii xoojiyaan samo-falka, sadaqada iyo garab istaagga dadkeenna nugul iyo kuwa baahan; gaar ahaan xilligan ay Abaarahu si adag u haleeleen qaybo badan oo ka mid ah bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu ummadda Somaliland Alle SWT uga baryayaa in uu ka aqbalo cibaadada iyo acmaasha wanaagsan ee ay soo guteen bisha Barakaysan ee Soon-qaadka, isla markaana uu dalka iyo dadka Somaliland ku mannaysto nabad waarta, barwaaqo iyo horumar.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu mar kale hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan, isaga oo Alle SWT uga baryay in ay Ciiddan-Ciideeda kale ku gaadhaan nabad, farxad iyo walaalnimo iyo midnimo Qaran.





