Madaxweynaha JSL oo Hambalyo u diray Kooxda Kubada Cagta ee Dawladda hoose ee Burco oo qaaday Koobka Horyaallada Somaliland.

Hargeysa(Qaran news)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook ah ku bogaadiyey Kooxdan ku guulaysatay Koobka.

Waxaanu yidhi “Waxa aan hambalyeynayaa Kooxda Kubadda Cagta ee Dawladda Hoose Degmada Burco ee ku guulaysatay Koobka Horyaalka Horyaallada Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale waxaan bogaadinayaa Kooxda Ciidanka Asluubta ee Kaalinta Labaad ka gashay Horyaalka iyo dhammaan kooxihii kala duwanaa ee ka qayb-galay Tartantanka Horyaalka Horyaallada Jamhuuriyadda Somaliland ee dhacay magaalada Madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera.

Ciyaaruhu waxa ay muhiimad weyn u leeyihiin is-dhex-galka dhalinyarada iyo la dagaalanka mukhaadaraadka, waxaana farxad ii ah in aynu horumar la taaban karo ka samaynay qaybaha kala duwan ee ciyaaraha iyo is-dhex-galka dhalinyarada.

Hambalyo Burco, Guul Jamhuuriyadda Somaliland”