Madaxweynaha Somaliland oo Kulan ku martiqaaday Saddexda Xisbi Qaran
Hargeysa(Qaran news)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa saddexda xisbi qaran ku martiqaaday kulan lagu falan-qeynayo arrimaha doorashooyinka.
Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal uu maanta xisbiyada u kala diray Xoghayaha Madaxweynaha Mubaarog Ismaaciil Taani, kaasi oo loo kala diray Hoggaanka saddexda xisbi Qaran ee UCID, WADDANI iyo KUlMIYE, kaasi oo qabsoomi doona Arbacada Toddobaadkan.
Warqadaasina waxay u qornayd sidan:-