Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay
Guddida Nabadda Qaranka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu weheliyo Guddoomiyaha Guddida Nabadda Qaranka ayaa uu maanta kulan la qaatay Guddida sare iyo Agaasimaha Fulinta ee Akaadamiga Nabadda iyo Horumarka JSL.
Madaxweynuhu waxa uu soo dhaweeyey la kulanka Guddida sare iyo Agaasimaha Fulinta ee Akaademiga Nabadda iyo Horumarka, waxana uu sheegay in ay door muhiim ah oo soo jireen ah ku leeyihiin dhismaha Qaranka JSL, gaar ahaan xagga Nabadda, Horumarka iyo geedi-socodka hannaanka Dimuqraadiyadda.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in Akaadeemigu uu leeyahay magac iyo sumcad wacan oo ay ku kasbadeen aqoonta, waayo-aragnimada iyo cilmi-baadhista kala duwan ee ay samaysay Akaademiga, taasoo ah hanti iyo kayd Qaran oo dhaxal-gal ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Akaademiga u xaqiijiyey in Xukuumaddiisu ay si buuxda ula shaqayn doonto Akaademiga Nabadda iyo Horumarka JSL.
Iyaguna dhinacooda, Guddida Sare iyo Agaasimaha Fulinta ee Akaademiga Nabadda iyo Horumarka waxaa ay Madaxweynaha uga mahad naqeen kulanka qiimaha badan ee uu la qaatay, kulankaasi oo ay ujaddadiisu ahayd xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Xukuumadda cusub ee Somaliland iyo Akaademiga, gaar ahaan dhinacyada la xidhiidha Nabadda, Xasiloonida, Dib-u-heshiisiinta, Geeddi-socodka Dimuqraadiyadda iyo Dawlad-wanaagga.
Guddida Sare ee Akaademiga Nabadda iyo Horumarku waxa ay rajo weyn ka muujiyeen sii amba-qaadka wada shaqeyn midho dhal ah oo ku saleysan danaha guud ee Qaranka JSL.
Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu Guddida sare iyo Agaasimaha Fulinta ee Akaademiga ku boorriyey in ay dib u soo celiyaan qiimihii iyo doorkii soo jireenka ahaa ee ay ku lahaayeen dalka. Kulanka ayaa ku soo gabagaboobay guul iyo is-afgarad.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐