Madaxweynaha Somaliland oo la Sheegay inuu Aqbalay Go’aamadii Ergada Beesha Bariga Burco
Hargeysa(Qaran news)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sgeegay inuu balan qaaday inuu fulinayo go’aamadii ay xalay soo saareen ergadii beesha bariga Burco ee dhigayey in la usa saaro doorashooyinka madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda oo ay ku baaqeen in la qabto 13ka November 2024ka.
Telefishanka BulshoTV, ayaa baahiyay caawa in ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhow dhow guddidii go’aanka soo saartay uu madaxweynuhu u xaqiijiyay inuu aqbalay go’aamadoodii, isla markaana balan qaaday inuu si rasmi ah u shaacin doono aqbalaadiisa.
Haseyeeshee illaa imika ma jiro war ka soo baxay madaxweynaha oo ku saabsan go’aankaas lagu xalinayo khilaafkii ka dhashay doorashooyinka waxana dad badani aaminsanyihiin in madaxweynahu uu yahay shaqsi is bed bedel badan oo meel loogu soo hagaago lahayn waxana la sugayaa in uu warbaahinta hor yimaado oo uu mawqifkiisa cadeeyo sida madaxda xisbiyada mucaaridka.
Xisbiyada UCID iyo WADDANI ayaa saaka shaaciyay inay soo dhaweynayaan oo ay aqbaleen go’aamada guddigu soo saartay oo ay ku tilmaameen xal furdaamin kara khilaafkii siyaasadeed ee ay ka dhasheen kala qaybsanaan bulsho oo saameyn ku yeelatay wadajirka iyo isku duubnida ummadda Jamhuuriyadda Somaliland.