



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta goob-joog ka ahaa Dhaarta Dastuuriga ah ee ku waajibtay Cabdirisaaq Maxamed Siciid oo loo magacaabay xubin ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka JSL, kaas oo ay dhawaan soo ansixiyeen Golaha Wakiilada Somaliland
Sida ku cad Xeerka Guud ee Doorashooyinka Qaranka iyo Diwaangelinta Cod-bixiyayaasha XEER LR: 91/2023, Qodobkiisa 28-aad, farqadiisa 3-aad iyo 4-aad; xubintan cusub ee loo magacaabay in uu ka mid noqdo KDQ, waxa Madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee JSL, Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed.
Munaasabaddan ayaa waxa ay muujinaysaa sida ay Dawladda Somaliland uga goโan tahay ku dhaqanka Sharciga iyo Xeerarka iyo ilaalinta nidaamka Dastuurka dalka JSL.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐






