Hargeisa, (Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Dr. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud u magacaabey in uu ahaado Safiir buuxa oo idman (Extraordinary and Plenipotentiary) oo Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dawladda Israa’iil .Safiirkan ayaa leh dhammaan haybadda, awoodaha, xuquuqaha iyo waajibaadka ku xusan xilkaas, si waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, xeerarka dalka u yaalla, iyo qawaaniinta caalamiga ah ee diblomaasiyadda.
Ambasadoor Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud Waana safiirkii u horeeyay ee ay Somaliland yeelato tan iyo intii dal buuxa loo aqoonsaday jamhuuriyada Somaliland.
Dhanka kale dawlada Israel ayaa markiiba aqbashay safiirnimadda Dr Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud.






