Madaxweynaha Uganda oo shaaciyay tirada Askarta uga dhimatay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen ciidamadiisa

uganda

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in 54 askari looga dilay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya.

Hadalka Museveni ayaa imaanaya todobaad kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga degmada Buula-mareer oo 130-km Koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Al-shabaab ayaa sheegatay in weerarkasi dhacay 26-kii May ay ku dileen 137 askari.

Museveni ayaa sidookale sheegay in ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) ay tan iyo markaas ay saldhigga dib ugala wareegeen Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.