Madaxweyne Biixi oo la sheegay in dawlada Somaliya u cadeeyey in Somaliland diyaar u tahay in markale ay la midowdo Somaliya .
Warraysi xaasaasiya oo raysal wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Mahdi Guulleed, siiyay wariye Cabdijibaar Maxamed ayuu ku sheegay in madaxweyne Biixi, u sheegay Farmaajo in Somaliland diyaar u tahay in markale ay la midowdo Soomaaliya.
Sidoo kale Mahdi, ayaa warraysiga ku sheegay in madaxweyne Biixi ka codsaday dawladda Federaalka Soomaaliya in Akoon gaar uu u leeyahay loogu soo shubo lacagtii dawladda Soomaaliya ugu talo-gashay gurmadka suuqii gubtay ee Waaheen.
Mahdi, ayaa dhinaca kale sheegay in xilli Farmaajo, Abiy iyo Biixi ku kulmeen Addis-Ababa kulanka kadib madaxweyne Biixi, khalkhalay oo uu galay Gaadhigii madaxweyne Farmaajo oo calanka Soomaaliya ka babanayo.
