“Sannadkan waxaynu galaynaa hawl ay Ganacsatadu neceb tahay, Odayaashuna ka wer-weraan Culimaduna ka gama’gamalayso waa Doorashadii”
Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa(Qaran)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in sannadkan uu dalku gelayo doorasho, hase ahaatee waxa uu ka war-wareegay inuu afka ku dhufto nooca doorashada soo horaynaysa ee uu doonayo.

Madaxweynuhu wuxuu sidaas ku sheegay mar uu maanta ka hadlayay xaflad lagu qabtay Hargeysa oo lagu dhagax dhigayay dib u dhiskii Suuqii gubtay ee Waaheen.

“Sannadkan waxaynu galaynaa hawl ay Ganacsatadu neceb tahay, Odayaashuna ka wer-weraan Culimaduna ka gama’gamalayso waa doorashadii. Odayaasha iyo Culimada waa dadka la dhegaystee waxa laga rabaa inay doorashadu innoogu dhacdo nabad iyo inay innoogu qabsoonto asluub iyo dhaqan wanaagsan,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Muuse oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Haddii ay xumaan inoo keento doorashadu dee waa Masiibo ee aynu ka dayno Cay, isnecid, been abuur, dhaqan xumo iyo dhallinyaradii oo ku baaba’da hadday noocaas noqoto aynu iskugu tagno oo aynu qabanno.”
Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmay iyadoo khilaaf ka taagan yahay Komishanka doorashooyinka oo ka codsaday Maxkamadda sare inay soo sheegto labada doorasho ee madaxtooyada iyo ururrada ta soo horaynaysa. arrintaasi oo xisbiyada mucaaridka ahina ay ku tilmaameen sharci darro aan loo baahnayn.