Safarkii Shaqo ee WAXQABAD IYO WADAJIR oo soo gabagaboobay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey ayaa maanta si nabad ah ugu soo guryo noqday magaalada Hargeysa, kaddib markii ay muddo 7 cisho ah shaqo ugu
maqnaayeen Gobollada Saaxil, Togdheer iyo Daad-madheedh.
Intii uu socday safarka shaqo ee WAXQABAD IYO WADAJIR, saddexda Gobol ee Madaxweynuhu booqday, waxa uu dhagax-dhigay, daah-furay ama xadhigga ka jaray mashaariic horumarineed oo tiro badan oo lagama maarmaan u ah horumarinta nolosha bulshada.
Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu kulamo ballaadhan oo xog-warran iyo u-kuur-gal ah la qaatay madax-dhaqameedka, haldoorka, waxgaradka iyo maamulka heer Gobol iyo heer Degmo ee saddexda Gobol ee uu Madaxweynuhu safarka shaqo ku joogay. Qaybaha kala duwan ee bulshada ee uu Madaxweynuhu la kulmay waxa uu si joogto ah ugu baraarujinayey adkaynta nabadda iyo midnimada Qaranka JSL.
Safarkan shaqo ayaa ahaa mid soo hooyey guulo wax ku ool ah, isla markaana xoojiyey wadajirka iyo midnimada ummadda, horumarinta adeegyada bulshada isla markaana dhisay kalsoonida uu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ku qabo Xukuumadda iyo Dawladnimadaba.
Guntii iyo gabagabadii, Safarka WAXQABAD IYO WADAJIR , ayaa ahaa mid dhiirrigeliyey midnimada iyo wacyiga ummadnimo isla markaana xoojiyey is-aaminka iyo wada-shaqaynta shacabka ku nool saddexda Gobol ee uu Madaxweynuhu booqashada ku tagay.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐






