Madaxweyne Cirro: Nabadda Iyo Midnimada Qaranku Waa Mudnaanta Koowaad..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa habeenimadii xalay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland kulan muhiim ah kula yeeshay madax-dhaqameedka, salaadiinta, waxgaradka, haldoorka iyo siyaasiyiinta Beesha Muuse Carre.

Kulanka ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray adkaynta nabadda gobollada bari ee Somaliland, muhiimadda ay leeyihiin gobollada darafyada ah ee Awdal, Sanaag iyo Laascaanood, horumarinta deegaannada ay beeshu degto, xoojinta wadajirka bulshada iyo ilaalinta danta guud ee qaranka. Madax-dhaqameedka iyo waxgaradku waxay Madaxweynaha la wadaageen talooyin iyo aragtiyo la xidhiidha nabadda, xasilloonida iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqaynta dowladda iyo bulshada.

Kulanka waxaa si weyn uga dhex muuqday Salaadiinta Beesha Muuse Carre, waxgaradka, haldoorka iyo siyaasiyiinta beesha, kuwaas oo muujiyey sida ay uga go’an tahay ka shaqaynta nabadda, midnimada iyo horumarka JSL

Gabagabadii kulanka, madaxda Beesha Muuse Carre ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey qaabilaadda diirran iyo sida uu mudnaanta u siiyey la-tashiga iyo dhageysiga talooyinka bulshada. Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo ballanqaad lagu sii xoojinayo iskaashiga dowladda iyo bulshada, si loo adkeeyo nabadda, horumarka iyo midnimada qaranka JSL