๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฅ๐ ๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐จ๐ซ๐ ๐๐๐ฒ๐จ๐ซ-๐ค๐ ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐ก๐๐๐๐ข๐๐ฅ๐ ๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐ช๐จ๐ซ๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐๐๐ ๐๐ง๐ ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ (๐๐).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan la yeeshay Lord Mayor-ka Magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska, Marwo Safiya Saeed (Safiya Berberaawi). Kulanka waxa lagu falanqeeyey xoojinta xiriirka taariikhiga ah, iskaashiga horumarineed iyo wada-shaqaynta labada dhinac.
Madaxweynuhu waxa uu Marwo Safiya Saeed uga mahad naqay booqashada ay ku timid Somaliland, isaga oo xusay kaalinta muhiimka ah ee ay bulshada reer Somaliland ee ku nool magaalada Sheffield ku leeyihiin horumarka Somaliland. Madaxweynuhu waxa kale oo uu bulshada Somaliland ee Sheffield ku ammaanay sida ay u noqdeen biriij isku xidha Somaliland iyo dalka Ingiriiska, iyaga oo mar kasta difaaca xuquuqda jiritaan iyo qadiyadda Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay in Sheffield ay ahayd magaaladii ugu horreysay ee ku dhawaaqda aqoonsiga Somaliland sanadkii 2014-kii, taasi oo ahayd tallaabo geesinnimo leh oo sii xoojisay xidhiidhka shacabka Somaliland iyo magaalada Sheffield, taasoo ku dhiirrigelisay in magaalooyin kale oo waaweyn oo ka tirsan Boqortooyada Ingiriiska ay ku dhawaaqaan aqoonsiga Somaliland.
Iyaduna dhankeeda, Marwo Lord Mayor Safiya Saeed waxa ay
Madaxweynaha uga mahad naqday qaabilaada, iyada oo kala hadashay arrimo muhiim ah oo la xidhiidha xagga horumarka, Waxbarashada iyo iskaashiga bulshada. Waxa ay si gaar ah u tilmaantay kaalinta muhiimka ee ay haweenku ku leeyihiin dhismaha Qaranka JSL iyo sida loogu baahan yahay in la xoojiyo korna loo qaado ka qaybgalka Haweenka ee arrimaha siyaasadda iyo maamulka Dawliga ah.
Waxa ay ballan qaaday in Golaha Deegaanka ee Sheffield ay sii wadi doonaan ka shaqaynta qadiyadda Somaliland isla markaana ay sii adkayn doonaan xiriirka wada-shaqayneed ee Somaliland, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, maalgashiga iyo iskaashiga bulshada.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐