Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta si nabad ah dalka dib ugu soo laabtay kaddib booqasho rasmi ah oo taariikhi ah oo uu ku tagay dalka Israa’iil, isaga oo si diirran oo xamaasad leh ay u soo dhaweeyeen dadweynaha ku nool Caasimadda Hargeisa.

Madaxweynuhu waxa uu ku tilmaamay in safarkiisu ahaa mid guul weyn u ah Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana sii xoojinaya dedaallada dalka ee ku aaddan ictiraaf raadinta iyo ballaadhinta xidhiidhada caalamiga ah iyo horumarinta danaha uu leeyahay Qaranka JSL.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale sheegay in Dawladda iyo Shacabka reer Israa’iil ay muujiyeen rabitaan dhab ah oo ku aaddan iskaashi iyo wax wada qabsi dhinacyo badan leh oo u dhexeeya labada shacab iyo labada dal, kuwaas oo ay ka mid yihiin horumarinta dhaqaalaha, ka wada shaqaynta amniga, beeraha, biyaha, maalgashiga, teknoolajiyadda, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kobcinta awoodaha hay’adaha, si loo abuuro fursado horumarineed oo waara oo ay ka wada faa’iidaystaan labada dal iyo labada shacab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa munaasibadda 66-guurada maalinta Xorriyadda Somaliland awgeed waxa uu caawa khudbad ka jeedin doonaa Xarunta Madaxtooyada JSL.