Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), ayaa sheegay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu xoojiyay go’aankiisa dhabta ah ee ku wajahan ilaalinta nabadda, xasilloonida, kuwaas oo saldhig u ah aragtida qaranka JSL.
Afhayeenka Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dedaallada gogosha nabada ee ka socda magaalada Ceerigaabo ay tusaale u yihiin hoggaaminta togan ee Madaxweynaha Somaliland oo mudnaanta koowaad siinaya mideynta bulshada, suulinta kala qaybsanaanta iyo xoojinta wadajirka ummadda.
Md. Xuseen Deyr wuxuu intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland muddo ka badan 30 sanno ay astaan u ahayd nabada iyo xasiloonida Geeska Afrika oo la daalaa-dhacaya qulqulatooyinka amni darro iyo siyaasadeed.
Afhayeenka Madaxweynuhu wuxuu tibaaxay in JSL iyadoo adeegsanaysa hannaan nabadeed oo iskugu jira dhaqanka soojireenka ah iyo hindiseyaasha casriga ah ee ku wajahan xalinta khilaafaadka, ay ku guullaysatay taabogelinta nabadgelyada iyo dhismsha Hay’adaha dawladda dimuqraadiga ah, taasi oo ay Somaliland karaamo kaga kasbatay caalamka.
Afhayeenku wuxuu xusay in xoojinta nabaddu aanay ahayn kaliya ujeeddo siyaasadeed, hase yeeshee ay tahay raasamaalka dhabta ah ee Somaliland sida joogtada ah u xoojinayso.






