



















Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay Mashruuca Koronto-ballaadhinta Magaalada Borama.
Mashruucan muhiimka ah waxa uu ka kooban yahay 8 MW Solar PV, 20 MWh Battery Storage System, iyo 5 KM oo ah khadadka gudbinta korontada ee 33 kV, kuwaas oo si weyn u xoojin doona helitaanka koronto tayo leh, la isku hallayn karo, isla markaana waarta, taas oo laga dhallinayo Tamarta Cadeeda.
Munaasibad loo qabtay dhagax dhiga Mashruucaasi oo lagu qabtay magaalada Borama ayaa waxa kale oo ka soo qaybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Maamulka gobolka Awdal, ka Degmada Borama, Masuuliyiin ka tirsan Dawladda iyo marti sharaf kale duwan.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraaday mihiimadda uu mashruucani u leeyahay bulshada, waxana uu yidhi:
“Mashruucani wuxuu door muhiim ah ka qaadan doonaa horumarinta adeegyada Tamarta, kobcinta dhaqaalaha, iyo taageeridda horumarka bulshada ee gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Borama iyo deegaannada ku xeeran.
Mashruucan waxa maalgeliyey Baanka Adduunka, isaga oo qayb ka ah dedaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha Tamarta iyo kor u qaadista isticmaalka tamarta nadiifta ah ee Somaliland.
Xukuumadda Somaliland waxa ka go’an sidii shacabku u heli laahayeen koronto jaban” ayuu yidhi





