Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta gaadhay magaalada Borama ee caasimadda gobolka Awdal Madaxweyne ku xigeenka ayaa dadweynaha reer Borama ay si diiran ugu soo dhaweeyeen duleedka magaalada Borama.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa soo maray dhamaan gobollada Somaliland oo dhan isaga oo guulo balaadhan ka soo gaadhay heshiisiintii deegaanka Ceel-Afweyn, waxana lagu wadaa in uu dabaal dega xuska 18-ka May uu kala qayb galo dadweynaha reer Awdal maalinta bari ah.




















