Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ku jooga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa ku degay guriga ay madaxtooyadu ku leedahay magaaladda Burco, madaxweyne Muuse ayaanisla aqalkaasi uu ku degay dadka kala hadlay xaga ay madaxweynayaashii isaga ka horeeyay ay dadweynaha reer Burco kala hadli jireen fagaaraha Khayriyada ee badhtamaha magaaladda Burco taasi oo uu Muuse noqday madaxweynahii u horeeyay ee aan dadweynaha reer Burco kala hadlin badhtamaha magaaladda, taasi oo ay sabab u tahay dadweynaha reer Burco oo aan badankoodu doonaynin hadalkiisa iyo aragiisa toona taasi oo ay ku sababaynayaan maamul xumo tan iyo intii uu xilka hayay, arinkaasi oo madaxweyne Muuse uu dareenkeeda hayay waxa uu ka muquuetay in dadweynaha ugu tago fagaaraha Khariyda oo ah goob taariikhi ah.
Ilaa hada lama sheegin cid uu madaxweynahu uu la kulmay oo ugu tagtay goobta uu ku degay, hase ahaatee waxa lagu wadaa in uu caawa la hadlo odayada iyo wax garadka reer Burco kabacdina waxa uu doonayaa in uu si goos goos ah ula kulmo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Muuse Biixi waxa hor taala oo ay dadka reer Burco kanmidaysanyihiin dhibka guud ahaan bulshada Burco haysta oo ay ugu horeeyaan arimaha caafimaadka iiyo rhamaan adeegyadda kala gadisan ee ay bulshadu ka filaysay xukuumadda Muuse iyo dhamaan balanqaadyadii uu hore ugu ololeeyay oo dhamaantood beenoobay.
Burco iyo dalka oo dhami dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba waxa uu maraayay cirkaasi ka hor intii aanu Muuse Biixi noqon madaxweynaha waxana uu maanta gobolka Togdheer ku jiraa meelaha ugu liita dalka oo dhan.
Taasina waxa kale oo ay sababtay in aan dadkii doorashadii hore soo doirtay ayna maanta ka qayb qaadan soo dhawayntiisa iyadda oo ay maanta soo dhaweeyeen shaqaalahii dawlada ardyda dugsiyada iyo bara kacayaaeha ku nool magaaladda Burco iyo hareeraheeda