Madaxweyne Muuse oo Seefta Mariyay Taliyihii Sirdoonka, Isku-shaandheyntii ugu Weynaydna ku Samaynaya Xukuumadiisa
Hargeysa(Qaran news)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa galabta xilalka ka qaaday Taliyihii Hay’adda Sirdoonka Qaranka Somaliland Faysal Guhaad Cabdi Gahayr.
Madaxweynuhu wuxuu xilkaas si ku meel-gaadh ah ugu sii dhiibay Taliyaha sirdoonka ee gobolka Maroodijeex oo la yidhaahdo Cabdi Muuse Qaadi Waxa tallaabadani ku soo beegantay xili si weyn loo naqdiyayo Xukuumadda kadib guul darradii soo gaadhay ciidanka Qaranka ee ka soo baxay fadhiisimo badan oo ay ku lahaayeen Bariga gobolka Sool oo ay ugu weynayd taliskii Goojacadde ee laga hagayey dagaalka ciidamaddu kula jiraan huwanta Laascaanood.
Xil ka qaadista Taliyaha Sirdoonka, ayaa ilo xo ogaal ahi noo xaqiijiyeen inay qayb ka tahay isku shaandheyn ballaadhan oo madaxweyne Muuse Biixi ku sameynayo Xukuumadiisa.
Isku shaandheyntan oo uu madaxweynuhu sameynayo ayaa saaneyn doonta Golaha Wasiirrada, Ciidamada iyo Agaasimeyaasha guud; wuxuuna madaxweynuhu doonayaa inuu dhiso Xukuumad adag oo kala dabaalata duufaanada siyaasadeed iyo dagaalka Laascsanood oo xisbiyada mucaaridka ah, Xildhibaanada baarlamaanka iyo shacbiguba ay sheegeen inay sababtay siyaasad xumada xukuumadda iyo talo-maroorsiga madaxweynuhu caanka ku noqday.