Hargeysa, (Qaran news)-Socdaal aan la shaacin ayaa lagu wadaa in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ku tago dalka Djibouti waxa isna dalkaasi ku sii jeeda madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, waxana lagu wadaa in ay labada madaxweyne ku kulmaan halkaasi

Kulanka 2 Madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia ee berito ka dhacaaya Jabuuti waxa la sheegayaa in codsiga kulanku ka yimid dhinaca madaxweynaha Sommalia. Lama hubo ilaa hada ujeedada kulanka, lakiin warar hoose oo la hrlayaa waxa ay sheegayaan in laga wada hadlaayo ay ka mid tahay xaalada cusub ee ka soo cusboonaatay Bada Cas, Saldhiga Militariga ee Berbera, sii anbaqaadka wadahadaladii u dheexeeyay SL iyo Somaliya. Waxa la sheegayaa in Muuse Biixi Safarkiisa ay ku wehelinayaa Wasiirada arimha gudaha, wasiirka biyaha,wasiirka maaliyada. Wasiirka arimaha dibada

Wixii war ah ee ka soo kordha wax aynu kula socon doonaa wararkeena danbe