Guddigii Nabadda ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ee safarka ku tegay magaalada Dire Dawa ee Itoobiya ayaa la soo noqday natiijooyin muhiim ah oo lagu sii ambaqaadayo geeddi socodka nabadda iyo xalinta khilaafaadka jira.

Qodobbada muhiimka ah ee la isla gartay waxaa ka mid ah:

1. Magacaabista Guddi Farsamo oo Madaxbannaan
In la magacaabo Guddi Farsamo oo Madaxbannaan, kaas oo si qoto dheer u lafa gura khilaafaadka iyo tabashooyinka jira, kana shaqeeya soo jeedinta xal waara.

2. Gogosha Wadahadalka oo Hargeysa lagu qabto
In gogosha wadahadalka lagu qabto caasimadda Hargeysa, halkaas oo Gandaha Ciise iyo dhinacyada ay khusayso ay ku yeelan doonaan wadahadallo ballaadhan oo lagu raadinayo is afgarad iyo xal dhamaystiran.

3. Booqashada Ugaaska Guud ee Beelweynta Ciise
In Ugaaska Guud ee Beelweynta Ciise, Ugaas Mustafe Ibrahim, uu booqasho ku yimaaddo Hargeysa. Booqashadiisu waxay qayb muhiim ah ka noqon doontaa xoojinta wadaxaajoodka, dib u dhiska kalsoonida iyo dhammaystirka dadaallada nabadaynta.

Natiijada safarka Dire Dawa ayaa Hargeysa ka dhigaysa xarunta wejiga xiga ee geeddi socodka nabadda, iyadoo la filayo in wadahadalladu horseedaan heshiis iyo nabad waarta.

Carrada Ilaahay Nabad Weeye 🕊️.

Sultan Cabdikariim