Hargeisa, (Qaran  news)- Heer kulka caasimadda Somaliland ee Hargaysa ayaa ayaamahii ina soo dhaafayba aad looga dayrinaayay iyada xaraarada ama heerkulka maanta uu gaadhay heerkii ugu sareeyay tan iyo inta la xasuusanyahay

Kulku waxa uu maanta abaaro 1:55 pm uu gaadhay magaaladda Hargeysa 40° xaga uu xiligaasi magaaladda xeebtah ee Berbera ahaa 33°.

Waxa badiba goobaha ganacsiga ee magaalada Hargeysa aad ku arkaysaa iyada oo la shiday maraxawadaha wax qabooji iyo sidoo kale xaafadaha ku jira meelaha gotinka ah iyo aqalada qaar.

Iyada oo xiligaasi ay maanta xaraaradu kor u kacday aanad ku arkaynin magaaladda dad badan oo lugaynaaya waxa ay dadku noqdeen kuwo hadh galay.

Iyada oo la gudo galay xili roobaadkii gu’ga ayaan gobolada Somaliland badankooda aanay roobab fiicani ka dating in kasta oo la saadaalinaayo roobab fiican.